4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Siilaanyo : Soomaaliland iyo Itoobiya taariikh dheer ayeey wadaagaan

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxeynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in ay taariikh dheer oo guun ah wadagaan Somaliland iyo Itoobiya,isla markaana wakhti isku mid ah iska rideen laba kalitalinimo oo wadankoodda haystay.

Madaxweynaha oo hambalyo u diray dowladda iyo shacabkaItoobiya oo u dabaaldegaya sanad guuraddii 26aad ee ka soo wareegtay markii Itoobiya iska xoraysay rajiimkiii dhergiga ahaa ee wakhtigaasi xukumi jiray.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaya afka shacbiga Somaliland iyo ka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dalka aynu walaalaha iyo jaarkaba nahay ee Itoobiya iyo shacbi weynaha dalkaas, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeynaya sannad guurada 26-aad ee ka soo wareegtay markii ay shacbiga dalka Itoobiya ka guulaysteen rajiimkii dhergiga ahaa ee xiligaasi xukumaayey dalka Itoobiya, marka taariikhda Itoobiya loo noqdana ku beegan xuska 20 guurada loo yaqaan ginbot 2009.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay agaasimaha saxaafadda Madaxtooyadda Naasir Yuusuf Daahir.

“Xuska ginbot oo ah maalin taariikhda Itoobiya qiimo weyn ugu fadhida waxa uu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbiga iyo dawladda Itoobiya inay sannadka, sannadkiisa ku gaadhaan guul, barwaaqo, iyo Itoobiya oo ka sii horumarta halka ay maanta marayso.”ayuu madaxweynuhu raaciyey.

Madaxweynaha oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waxa uu yidhi “Marka laga yimaado xidhiidhka saaxiibtinimo, iskaashiga nabadgelyada, ganacsiga, iyo deris wanaaga ee Itoobiya inaga dhexeeya waxa hubaal ah oo aynu wadaagnaa taariikh ma guurto ah oo ah in aynu isku wakhti ama rubuc qarniba aynu wada xusaynay taariikh mataano ah oo shacbiga labada dal ay kaga hoos baxeen gacantii keli talisnimada ee militeriga ahayd ee Mingiste Hailemariam iyo Maxamed Siyaad Barre oo ay hadda ka soo wareegtay 26 sanno markii xukunka laga tuuray.”

Wadanka Itoobiya ayaa si weyn loogu dabaaldega maalinta loo yaqaan Ginbot oo ah maalintii jabhaddii xoreynta Itoobiya la wareegtay gacan ku haynta wadanka,isla markaana uu xilka wadankaasi la wareegay Meles Sanaawi Ra’isal wasaarihii Itoobiya ee Geeriyooday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland