3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Wasiirka gadiidka oo faah faahin ka bixisay sababihii ay u degi weyday diyaarada Turkish Airlines

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa ka hadlay sababihii keenay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay u degi weydo diyaarada Turkish Airlines, taasoo dib u dhac iyo rafaad badan la kulmeen rakaabkii ay keeni laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta diyaarada ay u degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay aheyd dabeyl badan oo jirtay, taasoo dhaaftay xadkii loogu tala galay sida uu yiri.

“Diyaarada Turkish Airlines waxay u sii degi weyday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxay aheyd kaliya dabeysha oo xadkii loo ogolaa inay diyaarada ku soo degto ka badneyd, marka diyaarada dageysa dabeyl ayaa gadaal kaga soo dhacda, hadii ay dhaafto xawaaraha ama xadkii loogu tala gala, looma ogola inay degto”ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay tahay sharci u gaar ah shirkadda Turkish Airlines, isla markaana aanay aheyn mid garoonka Muqdisho kaliya quseysa.

“Waa sharci u yaala shirkadda Diyaarada, mana ahan mid quseysa Garoonka Muqdisho, waxay quseysaa meel kasta oo ay tagto Turkish Airlones, waa wax maalmihii la soo dhaafay dhacayay, waa wax mar kasta dhici kara, garoomada Caalamka ee ay ka degto Turkish Airlines ayay ka dhacdaa”ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Wasaaradda iyo Hey’adda Saadaasha Hawada ay ka shaqeeyeen sidii loo sahmin lahaa hawada, isla markaana diyaaradaha ay si caadi ah uga soo degaan garoonka, waxaana ay xuseen in si toos ah ay ula shaqeeyaan shirkadaha diyaaradaha ee ka soo dega garoonka Muqdisho.

Rakaabkii maalmahan ku rafaadsanaa diyaarada ayaa ugu dambeyn shalay ay neef ka soo fuqday, markii dhowr cisho ay diyaarada geyneysay magaalooyinka Mombasa iyo Jabuuti, waxaana dhamaan rakaabka la seexiyay hotelo ay shirkaddu ka bixisay.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay u suura geli weyday inay ka soo degto garoonka, dabeylo jira awgeed, waxaana marka ay diyaarada caga dhiganeyso dhabaha garoonka ay ka timaadaa dhanka badda, waxaa diyaarada ka mamnuuca ah in magaalada dusheeda ay marto, sababo amni awgeed, inkastoo marka dabeylo noocaan ah oo kale ay jiraan, kana yimaada dhanka badda, waxaa ay diyaaradaha inta badan ay dul maraan magaalada dusheeda.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ah diyaarada kaliya ee caalami ee duulimaad ku timaada Soomaaliya, waxaana ay maalin walba ay sameysaa duulimaad toos ah Istanbul-Muqdisho iyo Muqdisho-Istanbul.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/29/2017 1:46 PM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka mid ahaa madaxdii maanta ka qeybgashay munaasabadii calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa halkaa ka jeediyay khubad saameyn badan oo dhinacyo kala duwan taabatay.

5/29/2017 9:12 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Goob joogayaal ku sugan Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada dowladda federaalka toogasho ku dileen nin ku hubeysnaa bastoolad oo gudaha suuqa ku dhax toogtay qof shacab ah.

5/29/2017 8:15 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo markii danbe shirka uu ku soo biiray ra’iisal wasaare Kheyre.

5/29/2017 6:56 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray xarunta magaalada Cadaado, halkaa oo ay ka socto munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

5/29/2017 5:29 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado, iyagoo ka qeybgalaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

5/29/2017 5:13 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) -Shirkadda Pure Earth International oo ah shirkad ka shaqaysa qalabka Teknolajiyad-da wadamada Djibouti iyo Somaliya, iyo shirkada caalamiga ah ee D-link ayaa ku qabtay xaflad wadanka Djibouti ,waxaana xaflad-dan ay ahayd mid lagu daah-furayay qalabka ay samayso D-link ,kaasi oo ka dhacay Hotel Sheraton ee magaalada Djibouti.

5/29/2017 3:35 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxeynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in ay taariikh dheer oo guun ah wadagaan Somaliland iyo Itoobiya,isla markaana wakhti isku mid ah iska rideen laba kalitalinimo oo wadankoodda haystay.

5/29/2017 3:06 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Laba Maxbuus ayaa ugu geeriyooday cudurka Shuban biyoodka xabsiga magaaladda Burco, halka Afar iyo konton maxbuus u jiifaan cudurkan.

5/29/2017 2:53 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.

5/29/2017 2:44 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Alle ha u naxariisteen Axmed Abroone Amiin oo horay u soo noqday guddomiye ku-xigeenkii baarlamaankii TNG-da dowladda uu hogaaminayay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5/29/2017 2:36 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xukun dhagax ku dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay deegaan lagu magacaabo Ufuroow oo ka tirsan gobolka Baay.

5/29/2017 2:23 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Cadaado ee xarunta KMG u maamul gobolleedka Galmudug, isaga oo ka qeybgali doona munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dhawaan la doortay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.