4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Shirkadda Pure Earth oo wadanka Jabuuti ku daah-furtay qalabka D-link (Sawirro)

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) -Shirkadda Pure Earth International oo ah shirkad ka shaqaysa qalabka Teknolajiyad-da wadamada Djibouti iyo Somaliya, iyo shirkada caalamiga ah ee D-link ayaa ku qabtay xaflad wadanka Djibouti ,waxaana xaflad-dan ay ahayd mid lagu daah-furayay qalabka ay samayso D-link ,kaasi oo ka dhacay Hotel Sheraton ee magaalada Djibouti.

Dlink ayaa ah shirkad samaysa qalabka tiknoolajiyad-da qaybihiisa kala duwan gaar ahaan qaybaha Networking-ka ,kaasi oo ay isticmaalaan dhamaan shirkadaha waa weyn ee ku yaala labadaas dal.

Daah-furkan oo lagu so bandhigayay qalabka D-link ayaa waxa furay Masuulka shirkada Dlink ee Africa Mr JomyThampan oo goobta ku soo bandhigay qalabyada kala duwan ee ay samayso shirkadda D-Link iyo  sida ay shirkadaha kale uga faa’idaysan karaan.

“Waxaan ka shaqeynaynay Somalia  sadexdii sano ee la soo dhaafay, ayada oo wakiil ay nooga ahayd shirkada Pure Earth international. Qalabka D-link waxa uu gaaray meel walba oo wadanka kamid ah. Waxa sidaoo kale uu qalabka D-link shirkada PEI ay gaarsiisay Djibouti. Waxa maanta aan halkan ku daah furaynaa xarun hoos tagi doonta shirkada Pure Earth international qeybteda Djibouti “ ayuu yiri Mr JomyThampan oo hadal koooban ka jeediyay munaasabad-da.

Wakiil Jomy,wuxuu intaa ku daray in shirkada Pure Earth ay jumlo ahaan uga iibin doonto qalabka Dlink dhaman shirkadaha iyo dukamada qalabka teknolojiyada ee kuyaala wadanka Djibouti.

Sidaoo kale waxa munaasabada ka hadlay masuulka Shirkada Pure Earth International Maxamed Cabdirashid, oo sheegay in ay farxad u tahay in maanta ay ku daahfuraan qalabka shirkada D-link wadanka Djibouti. 

“Macaamiiashena jooga Djibouti,waxay heli doonaan qalabka ay shirkadaD-link soo saarto ,kuwasoo cusayb ah, qiimojaban, tayadooduna ay aad  u sarayso”ayuu isna yiri Maxamed C/rishiid oo ku dheeraaday shaqada ay qabtaan.

Ugu danbayn, shirkadda ayaa goobta ku daah-furtay qalab ay kamid ahaaayeen  Wireless, Cable infrastructure, IP Surveillance, IP Phones, Switching iyo Routers ,kuwaasi oo la sheegay in dhamaantooda laga heli karo gudaha wadanka.

Faysal M. Hassan
[email protected]