Shirkii gollaha wasiirada oo looga hadlay hindise sharciyeedyo dhowr ah
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Gollaha
wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu
shir-guddoominayey ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Mudane Mahdi Maxamed
Guuleed (Khadar), iyadoo markii danbe shirka uu ku soo biiray ra’iisal wasaare
Kheyre.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada dardargelinta
shuruucda dalka bacdamaa ay dawladan tahay tii sharciga iyo Shacabka,
shacabkana ay naga sugayaan waxqabad dhan walba ah.
Xubnaha golaha ayaa dhageystay warbixino ku aadan shuruucda ay gacanta ku
hayaan wasaaradaha qaar si loogu sii diyaar garoobo oo golaha wasiirada ay u
ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka.
Wasiirada ayaa sheegay in shuruucda ay diyaariyeen, qaarna ay weli wadaan
wadatashi, iyadoo la isku raacay in shuruuc ka badan 20 ay diyaar yihiin,
Hindise Sharciyeedyadaas oo ay ka mid yihiin;
1. Isgaarsiinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay’adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]