3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2017
Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay qof dil ka geystay gudaha suuqa Bakaaraha


Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Goob joogayaal ku sugan Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada dowladda federaalka toogasho ku dileen nin ku hubeysnaa bastoolad oo gudaha suuqa ku dhax toogtay qof shacab ah.

Mana jiro ilaa hada wax war ah kasoo baxay laamaha amanaka oo ku aadan labadan dil ee ka dhacay Suuqa Bakaaraha, hasse ahaatee afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada dowladda toogteen qof hubeysan oo dil ka geystay suuqa.

Arrinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu ka dhaqan galay howlgallo ay ku midaysan yihiin laamaha amniga oo lagu sugayo xasilloonida Caasimadda,

Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan oo hore waxaa sidan oo kale ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dad shacab ah iyo kooxo dil ka geystay gudaha suuqa oo ay dowladda ku eedeyso Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/29/2017 1:46 PM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka mid ahaa madaxdii maanta ka qeybgashay munaasabadii calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa halkaa ka jeediyay khubad saameyn badan oo dhinacyo kala duwan taabatay.

5/29/2017 8:15 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Gollaha wasiirrada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir-guddoominayey ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), iyadoo markii danbe shirka uu ku soo biiray ra’iisal wasaare Kheyre.

5/29/2017 6:56 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray xarunta magaalada Cadaado, halkaa oo ay ka socto munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

5/29/2017 5:29 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado, iyagoo ka qeybgalaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

5/29/2017 5:13 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) -Shirkadda Pure Earth International oo ah shirkad ka shaqaysa qalabka Teknolajiyad-da wadamada Djibouti iyo Somaliya, iyo shirkada caalamiga ah ee D-link ayaa ku qabtay xaflad wadanka Djibouti ,waxaana xaflad-dan ay ahayd mid lagu daah-furayay qalabka ay samayso D-link ,kaasi oo ka dhacay Hotel Sheraton ee magaalada Djibouti.

5/29/2017 4:07 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa ka hadlay sababihii keenay in saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay u degi weydo diyaarada Turkish Airlines, taasoo dib u dhac iyo rafaad badan la kulmeen rakaabkii ay keeni laheyd garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

5/29/2017 3:35 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxeynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in ay taariikh dheer oo guun ah wadagaan Somaliland iyo Itoobiya,isla markaana wakhti isku mid ah iska rideen laba kalitalinimo oo wadankoodda haystay.

5/29/2017 3:06 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Laba Maxbuus ayaa ugu geeriyooday cudurka Shuban biyoodka xabsiga magaaladda Burco, halka Afar iyo konton maxbuus u jiifaan cudurkan.

5/29/2017 2:53 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.

5/29/2017 2:44 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Alle ha u naxariisteen Axmed Abroone Amiin oo horay u soo noqday guddomiye ku-xigeenkii baarlamaankii TNG-da dowladda uu hogaaminayay madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

5/29/2017 2:36 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab oo maamusha qeybo ka mid ah gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa xukun dhagax ku dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa in uu kufsi geystay deegaan lagu magacaabo Ufuroow oo ka tirsan gobolka Baay.

5/29/2017 2:23 AM EST
Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Cadaado ee xarunta KMG u maamul gobolleedka Galmudug, isaga oo ka qeybgali doona munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dhawaan la doortay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.