Mid ka mid ah musharixiinta madaxtinimada Kenya oo ku eedeysan in uu damacsanaa in uu is dilo
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) -- Peter Gichira oo ka mid ah musharaxiinta
doonaysay in ay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya ayaa la soo
taagay maanta maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay in uu doonayay inuu is dilo
kadib markii uu ku guuldareystey in uu soo buuxiyo shuruudaha uu ugaga mid
noqon lahaa musharaxiinta sida rasmiga ah ugu
tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.
Peter Gichira ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inuu isku
dayay inuu iska soo tuuro dabaqa lixdaad ee dhismaha guddiga doorashada dalka
Kenya,waxana lagu soo daayay damiin.
Booliska dalka Kenya ayaa soo qabtay Peter Sabtidii aynu ka soo gudubnay
isagoo doonayay inuu iska soo tuuro dabaq dheer kadib markii uu kamid noqday
siddeed musharax oo ku guuldareystey inay soo buuxiyaan shuruudaha tartanka
doorashada Madaxweyne ee 8 August 2017 ka dhacaysa dalka Kenya.
Mr Gichira oo ah siyaasi aan waxbadan laga aqoon ayaa soo buuxin waayay mid
ka mid ah shuruudaha laga doonayay inuu soo buuxiyo musharaxa Madaxweynaha oo
ah inuu keeno saxiixyada 2,000 oo ruux kuwaasoo aan xisbina ka tirsanayn 24
kamid ah 47da gobol ee dalka Kenya.
Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la filayaa in ay si weyn ugu tartamaan
Madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta kaasoo markii labaad raadinaya
in la doorto iyo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga oo markiisii afaraad u
tartamaya madaxtinimada dalka Kenya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]