3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2017
Madaxweynayaasha Ruushka iyo Faransiiska oo kulmay

 

Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, in hubka Kiimikada ah oo lagu dhex adeegsado Suuriya tahay arrin khad cas ah oo aan la qaadan karin, Faransiiskuna jawaab degdeg ah ka bixin doono hadiiba ay dhacdo.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ka muuqday in is maan dhaaf jiro, ayaa madaxweyne Macron wuxu sheegay in diidmada ay arrintan ka qabaan uu si cad ugu qeexay kulan ay isaga iyo Putin ku yeesheen qasriga Versailles, halkaas oo lagu xusayey heshiis laba geesood ah oo saddex boqol oo sano ka hor ay labada dal wada saxiixdeen.

Laakiin madaxweyne Macron wuxuu sidoo kale sheegay in uu doonayo in ay iskaashi xoogan ka yeeshaan arinta Suuriya, waxaanu intaa ku daray in la dagaalanka argagixisadu yahay ujeedo midaysaysa labada dal.

Labada nin waxa ay ku heshiiyeen in ay kulan dambe oo Jarmalkuna ka qayb gelayo ka yeeshaan arimaha Ukraine, laakiin madaxweyne Putin ayaa sheegay in cunoqabatayn la saaro Ruushku aanay midho dhal noqon doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/30/2017 1:27 PM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay guddi u xaalada maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.

5/30/2017 12:01 PM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa heshiis cusub oo la xiriira colaada Gaalkacyo ku gaaray magaalada Cadaado.

5/30/2017 9:34 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Waxaa dib u bilaawday duulimaayadii garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo ay maanta ku bur burtay mid ka mid ah diyaaradaha shirkada Shirkada Bancraft oo ka soo duushay dalka Uganda.

5/30/2017 8:03 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL)- Taliyaha guud ee howlgalka midowga Africa AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo ayaa magaaalada ka sheegay in ay isku diyaarinayaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab.

5/30/2017 5:57 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Warar naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad kooban uu halkaa ku dhaxmaray ciidammada xasilinta caasimada iyo rag hubeysan oo ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda kuwaa oo ka biyo diiday hub ka dhigis la doonayay in lagu sameeyo.

5/30/2017 4:48 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku bur burtay diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft, oo ah Shirkad qaabilsan la talinta howlaha amaanka iyo tababarada ciidamada midowga Afrika AMISOM ee jooga Soomaaliya.

5/30/2017 2:53 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Dowladda Canadda ayaa ku dhawaaqday in kaalmo deg deg ah ay la gaari doonto Abaaraha ka jira dalalka Soomaaliya, Nigeria iyo Suudaanta Koonfureed.

5/30/2017 2:35 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Ciidamada amaanka dowlad gobolleedka Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa ay ku soo qabteen dad ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka-dooriya.

5/30/2017 2:22 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) -- Peter Gichira oo ka mid ah musharaxiinta doonaysay in ay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maanta maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay in uu doonayay inuu is dilo kadib markii uu ku guuldareystey in uu soo buuxiyo shuruudaha uu ugaga mid noqon lahaa musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.

5/30/2017 2:12 AM EST
Talaado, May, 30, 2017 (HOL) --Wasiirka wasaarrada arimaha gudaha iyo dib-u-hishiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Muqdisho dhawaan ay ka furayaan Shir weyne dib u heshiisiin ah.