4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2017
Diyaarad goor dhaw ku bur burtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

 


Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Wararka soo baxaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw ku dhacday diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft, oo ah shirkad qaabilsan la talinta howlaha amaanka iyo tababarada ciidamada midowga Afrika AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Diyaarada ayaa ku guul dareesatay in ay si caadi ah u soo degto garoonka , waxaa ay mudo daqiiqado ah ku dul heehaabeysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona ku soo wargalisay maamulka garoonka in cilad ay jirto.

Garoonka ayaa waxaa lagu diyaariyay gaadiidka dab damiska iyo kooxaha gurmadka si ay ula tacaalaan diyaaradan haddii ay soo dhacdo, waxaana diyaarada mudo kadib lagu amray in ay isku daydo in garoonka ka soo degto.

Dad ku sugan gudaha garoonka ayaa warbaahinta u sheegay diyaarada oo markii danbe la amray in soo degto wax yeello kala kulantay dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan, waxaana la sheegay in uu burbur  ka soo gaaray dhinaca baalasha.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo arintan ay ka soo saareen saraakiisha amniga garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale ma jirto wax yeello nafeed ah oo ka dhashay bur burka soo gaaray diyaarada ay leedahay shirkadda Bancroft oo xarun ku leh Xerada Xalane ee ku dhax taala garoonka Aadan Cadde.

Howlihii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, ma jiro wax duulimaad ah oo hada ka jira, diyaaradihii ka dhoofi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa ayaa dhamaan la joojiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]