3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa sheegay in dhawaan uu bilaaban doono howlgal ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaasoo looga saarayo sida uu hadalka u dhigay guud ahaanba dalka.

Taliyaha ayaa sheegay in wixii xiligan ka danbeeya aysan jiri doonin in laga gaabiyo waajibaadka ciidamada ka saaran dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taa badalkeedana la qaadi doono tallaabo militari.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay dhismaha ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna balan qaaday in dhamaan ciidamada xoogga dalka loo dhameystiri doono Agabka militari oo ay u baahan yihiin.

“Run ahaantii in aan inta iska fadhino macno badan ma sameyneyso, cadowga dhinacyo badan ayuu naga jiraa, sidaasi awgeed dhawaan waxaan bilaabeynaa howlgallo lagula dagaalamayo Shabaab.” ayuu yiri taliyaha

Hadalkan ayuu Taliyaha Ciidanka xoogga dalka wuxuu ka sheegay khudbad uu shalay u jeediyay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degaanka Barriire, kadib booqasho halkaasi uu ku tagay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
10/10/2017 2:58 PM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) -Madaxda dowald goboleedyada dalka ee uu shirka uga socday magaalada Kismaayo ayaa maanta dalxiis u aaday deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 13-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, halkaa oo ay waqti kusoo qaateen.

10/10/2017 2:31 PM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) -Weerarkan ayaa maanta gelinkii hore ciidamada nabadsugidda Jubaland ka fuliyeen deegaano ku dhow dhow magalaada Kamsuuma oo qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

10/10/2017 11:30 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) - Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay isaga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka in ay ka hareen tartanka doorashada Madaxweynaha ee dhammaadka bishan.

10/10/2017 11:01 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) –Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cabdicasiis Saalax Carmaan ayaa kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda dalka Qadar ee Soomaaliya Danjire Hassan Bin Hamza Asad, kulankaas ayaa ka dhacay Xarrunta Safaaradda Dalka Qadar ee Magaalada Muqdisho.

10/10/2017 8:14 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Waa dood adag oo ka dhax furantay xaaskii hore ee madaxweynaha dalka Mareykanka Ivana Trump oo sheegtay in ay tahay marwada koowaad ee dalka iyo xaaska ay hadda wada joogaan Melanie Trump oo arintaa siweyn uga careysiisay.

10/10/2017 5:52 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa goor la sheegay in ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Jaaamacadda Farsamada (The Technical University of Mombasa) oo ku taalla Deegaanka Xeebta leh ee Kwale.

10/10/2017 3:54 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) –Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee baarlamaanka maamulka Galmudug Maxamed Aadan Maalin ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil , kaddib markii rasaas lagu furay gaari uu la socday.

10/10/2017 3:23 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Qaybo ka mid ah gobolka California ee dalka Maraykanka ayuu ka kacay dab si xawli ah ku faafaya oo dilay ugu yaraan 10 ruux.

10/10/2017 3:01 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in howl gal ay ka sameeyeen keymaha Boni ee gudaha Kenya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

10/10/2017 2:43 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Shabeellaha hoosee Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay in Afar ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab shalay gelinkii dambe lagu dilay wadada xiriirisa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Laanta Buuro.

10/10/2017 2:29 AM EST
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Waxaa maanta la filayaan in magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyo shirka halkaa labadii cisho ee la soo dhaafay uga socday madaxda dowlad gobolleedyada.