4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday Jaamacad ku taalla dalka Kenya

 

Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa goor la sheegay in ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa Jaaamacadda Farsamada (The Technical University of Mombasa) oo ku taalla Deegaanka Xeebta leh ee Kwale.

Booliska iyo goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay Labo Haween ah oo ka tirsanaa shaqaalaha Jaamacadda, iyadoo Labo Askari, Darewal iyo dhowr Arday ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Qof codsaday in aan magaciisa la soo xigan ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka REUTERS in ay iyada iyo dhowr Aday ku baxsadeen Baskii ay la socdeen, kadib, markii dabley hubeysan tacshiirad ku fureen Kambaska Jamaacadda.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in aan wali la kala cadeyn karin in kooxda weerarka geysatay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in kale, madaama horay Al-shabaab u sheegteen weeraro noocan oo kale ah oo ka dhacay Kenya.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]