4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Ivana Trump oo sheegtay in ay tahay marwada koowaad & Melanie oo arintaan ku gacanseyrtay

 

Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Waa dood adag oo ka dhax furantay xaaskii hore ee madaxweynaha dalka Mareykanka Ivana Trump oo sheegtay in ay tahay marwada koowaad ee dalka iyo xaaska ay hadda wada joogaan Melanie Trump oo arintaa siweyn uga careysiisay.

Sidoo kale Ivana ayaa sheegtay in ay xiriir toos la leedahay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, laakiin aysan marnaba dooneynin sida ay hadalka u dhigtay in ay Maseyr dhaliso, waxaana ay warka ku sheegtay wareysi ay siisay warbaahinta ABC gaar ahaan barnaamijka subaxwanaasan ee ka baxa.

‘’Ma doonayo inaan keeno wax hinaaso ah ama wax la mid ah maxaa yeelay waxaan ahay marwadii u horreysay ee Trump. waxaan ahay marwada kowaad waa sax.

Afhayeen u hadashay marwada ay hadda wada joogaan madaxweynaha Stephanie Grisham ayaa  hadalka Ivana ku sheegtay mid caannimo lagu raadinayo iyo in  idhaha dadka lagu soo jiidato.

‘’Marwada koowaad waxaa ay jeceshahay in ay ku noolaato Washington, DC sharfna ay u tahay doorka u yeelatay inay noqoto marwada koowaad ee Maraykanka. Iyadoo sheegtay in Malenia ay qorsheyneyso in darajadeeda iyo doorkeeda ay u adeegsato inay ku caawiso carruuta, laakiin aanay ku iibin buugaag.

Lama oga in Trump uu ka war qabo iyo in kale is qoonsiga xaaskiisii hore ee iyo tan iyo hadda wada joogaan waxaana la sheegay in markii ay soo ifbaxday sheekadan uu cayaar golf ah la lahaa Senator ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Madaxweynuhu waxa uu guursaday Ivana Trump sanadkii 1977-dkii waxaana ay kala tageen 1992-dii. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah oo kala ah, Donald Trumka yar, Ivanka iyo Eric.

Waa markii ugu horeysay oo dalka Mareykanka uu muran noocan ah ka dhasho cida ah marwada koowaad ee dalkaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]