Raila Odinga oo isaga haray doorashada ku celiska ee Madaxweynaha Kenya
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) - Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila
Odinga ayaa sheegay isaga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka in ay ka hareen
tartanka doorashada Madaxweynaha ee dhammaadka bishan.
Wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin kaddib go’aankii maxkamadda ee
ay ku laashay doorashadii bishii August.
Isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha
guddiga doorashada la badalo.
Raila Odinga ayaa sheegay in go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah
lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.
Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in IEBC
ay si ula kac ah uga hor timid isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in
doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya
ee Jubilee.
“Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay iyaga ku
guuleystaan,” ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.
Waxa ay guddiga ugu baaqeen in uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku
celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.
"Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid
ay ayaaga ku guuleystaan," ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay
xafiiskiisa.
Waxay guddiga ugu baaqeen in
uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan
cusub oo doorasho lagu qabto.
"Waxaa cad in is bedelka
uu yahay mid wax looga qabanayo qaladaadkii ka dhacay doorashii horraantii
August.
Waxaa taas sabab u
ah in la adeegsanayo in markale doorashada soo socoto lagu shubto," ayey
sheegeen mucaaradka Kenya ee NASA.
"Is bedel la'aan doorasho ma
dheceyso," ayey ku dhawaaqeen hoggaamiyayaasha mucaaradka ka dib markii ay
shirka jaraa'id dhammeeyeen.
Waxay ku dhawaaqeen dibadbax
ballaaran oo beri ka dhici doono Kenya oo dhan oo ay ku dalbanayaan is bedel
lagu sameeyo hannaanka iyo guddiga doorashada.
Xigasho BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]