4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Ciidamada Nabadsugidda Jubaland oo weeraray saldhig ay Shabaab ku lahaayeen J/hoose

Talaado, October, 10, 2017 (HOL) -Weerarkan ayaa maanta gelinkii hore ciidamada nabadsugidda Jubaland ka fuliyeen deegaano ku dhow dhow magalaada Kamsuuma oo qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Taliye ku xigeenka Nabadsugidda Jubaland Axmed C/laahi Ciise (Gaas) oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in saaka ay weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Kamsuuma ee gobolka J/hoose.

"Saaka ayaa waxa ay ciidamo ka tirsan nabadusgida ka talaabeen Webiga dhinaca Buulogaduud, waxaa bartilmaamdeed u ahaa fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga Kamsuuma, goobtaasi waxa ay ahayd goob ay jidgooyo u taal oo ay gaadiidka lacago uga qaadi jireen, qasaarooyin ayaan u geysannay, waxayna u carareen dhanka Kamsuuma," ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in ay saldhigga ugu tageen xoolo ay Al-shabaab Zako ahaan uga soo ururiyeen dadka xoolaleeyda ah iyo lacago, isagoo sheegay in qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay u gesyteen.

"Qasaaro xooggan ayaa gaaray, dhaawacyada way la baxsadeen, inta aan aragnay ilaa sedex askari ayaan howlgalka ku dilnay," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan howlgalladaasi oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab.

Ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa mudooyinkii u danbeeyay waday weerarro qorsheeysan oo ay ku bartilmaadeesanayaan saldhigyada ay Al-shabaab ku leeyihiin gobolladan, ayadoo ay ugu danbeeysay weerar kan lamid ah oo ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ee gobolka Gedo ay ka fuliyeen deegano hoostaga degmada Buurdhuubo ee gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.