4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 10, 2017
Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo Dalxiis u tagay deegaanka Goobweyne ee J/hoose


Talaado, October, 10, 2017 (HOL) -Madaxda dowald goboleedyada dalka ee uu shirka uga socday magaalada Kismaayo ayaa maanta dalxiis u aaday deegaanka Goobweyn oo qiyaastii 13-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, halkaa oo ay waqti kusoo qaateen.

Masuuliyiintan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday magaalada Kismaayo ayaa waxa ay maanta gelinkii danbe u ambabaxeen deegaanka Goobweyn, ayagoo uu horkacayay madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.

Masuuliyiinta ayaa booqday halka ay isaga daraan webiga Jubba iyo Badweynta Hindiya,

Madaxweeyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka ahaa wafdiga, waxaana uga warbixinayay xaaladda deegaanka iyo taariikhdiisa, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo waxaa weli ka soconaya shirkii ay lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, ayadoo ay weli socdaan kulamo gooni gooni ah oo ay madaxdu yeelanayaan, waxaana kulamadaasi ay yihin kuwo ay warbahintu dibadjoog ka tahay.

War murtiyeedka shirka oo lagu waday in uu maanta gelinka danbe soo baxo ayaa dib u dhacay, waxaana la rajeeynayaa in berito uu shirkaasi soo xirmo, ayadoo warbaahinta loo aqrin doono qodobada ay madaxdu ku heshiiyeen.

Qaar kamid ah masuuliyiinta shirka ka qeybgaleeysa oo warbaahinta HOL la hadlay ayaa sheegay in ay jireen qodobo qaar oo la isku qabtay balse markii danbe xal laga gaaray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.