4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 11, 2017
Wasiir Juxa ‘’ dalkan waa la wada leeyahay cid kasta oo naga aragti duwan waan la hadleynaa

 

Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Wasiir Juxa ayaa sheegay in wax yaabaha leysku hayo yihiin kuwo kala gadisan laakiin guud ahaan marka la eego u baahan in laga wada hadlo si leyskula meel dhigo.

‘’Colaad ayaa jirta, siyaasad ayaa leysku hayaan, Kheyraadka ayaa sidoo kale ka mid ah wax yaabaha muranka ka jiro, dastuurka iyo awood qeybsiga intaba waxaa ay ka mid yihiin waxyaabaha taagan ee u baahan in laga wada hadlo oo laga heshiiyo’’ ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu sheegay in dowladda ahmiyad gaar ah siin doonto cid kasta oo aragti kale qabta, isaga oo sheegay in dowladnimo tahay mid la wada leeyahay sidaa daraadeed muhiim tahay in la wadda hadlo.

‘’Cid kasta oo naga fikir duwan oo naga maqan ama xabad nagu soo rideysa diyaar ayaan u nahay in lala hadlo waayo dalkan waa la wadda leeyahay cid gaar u leh ma jirto, sidaa daraadeed in la wada hadlo oo waxyaabaha markaa taagan laga heshiiyo waa muhiim’ ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka arrmaha gudaha.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xili uu jiro madmdow siyaasadeed oo soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo madaxda qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira oo hadda ku shirsan magaalada Kismaayo iyo Ururka Al-shabaab oo dhinaca kale dagaal ku la jira dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]