3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 11, 2017
Maamulka Gobolka Banaadir oo qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka (Sawirro)

Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyey xaflad lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka oo ku beegneyd Shalay (09 October 2017)  taasoo lagu qabtay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.

Xafladaas oo uu soo diyaariyey Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen: Wasiirka Gaashaandhigga Cabdirashiid, Wasiirka Amniga Islow, Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga General Cirfiid.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa Maamulka Gobolka Banaadir uga mahadceliyey xafladaan uu ku sheegay inay aheyd mid qiimo u leh dadka Miirka la’.

” Waxaan u mahadcelinayaa G/Benadir Thaabit Cabdi oo qabtay barnaamij muhiim ah oo lagu xusayey Maalinta Dhimirka Adduunka – waxaana hoosta laga wada xariiqay in loo baahanyahay dadka dhimirka qaba in la caawino oo laga daayo faquuqa, ceyda, dilka, iyo daryeel la’aanta " ayu yiri wasiirka.

Sidoo kale waxaa la xusay doorka warbaahinta ee wacyigeinta bulshada si gar-gaar deg-deg ah loogu fidiyo dadka dhimirka qaba oo istaahila inay xaq la mid ah qof walba helaan” Ayuu yiri mar kale ku yiri Wasiirka Warfaafinta qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook-ga.

Ugu danbayn ,munaasabado caynkan oo kale ah ayaa ka qabsoomay magaalooyin kamid ah kuwa maamul goboleed-yada ,xilli xanuunkan uu dad badan ku dhaco sanad walba.


Mustaf Husien
[email protected]















Click here
10/11/2017 5:31 PM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Waxaa maanta asbuucii labaad gashay dacwad-da loo haysto Cali Cumar Adeer oo tarjumaan u ahaa koox burcad badeed ah oo sanadkii 2008-dii afduubtay gabar wariye ah oo u dhalatay Canada laguna magacaabo Amanda Lindhout.

10/11/2017 7:01 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) –Shir wadatashi ah oo madaxda dowlad goboleedyada dalka maalmihii u danbeeyay uga socday magaalada Kismaayo ayaa maanta lasoo gabagabeeyay ayadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban

10/11/2017 3:17 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – In ka badan 1,550 qof ayaa u dhintay cudurka Daacuunka ee ka dillaacay gobollada Bariga iyo Koonfureed tan iyo bilowgii sanadkan, sida laga soo xigtay Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF).

10/11/2017 3:05 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya mudnaanta koowaad siineyso arrimaha dib-u-heshiisiinta.

10/11/2017 2:40 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deeaan u dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

10/11/2017 2:13 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan fatahaadda uu inta badan sameeyo Wabiga Shabeelle.

10/11/2017 2:07 AM EST
Arbaco, Octobar,11 2017 (HOL) – Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey tiradda rasmiga ah ee iska diwaangalisay inay codbixin karaan, taas oo noqotay wadarta guud ee tiradda codbixiyeyaasha toddoba boqol , afar kun iyo sagaal iyo sdeetan qof (704,089).

10/11/2017 2:03 AM EST
Arbaco, October, 11, 2017 (HOL) – Wasaaradda amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu soo hagaagayo amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ay ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada.