4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay wada shaqeyn iyo midnimo

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wadda shaqeyn iyo midnimo, waxaana warsxaafadeedka madaxweynuhu u muuqday mid lagu soo beegay kaddib shirka Kismaayo ugu soo dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada dalka.

“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay mar walba imaan karto dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iskaashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa war murtiyeed ay soo saareen kaga hadlay qodobo dhowr ah oo ku saabsan amniga, siyaasadda, federaaleynta, kheyraadka iyo arrimo ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]