4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 12, 2017
Wasiirkii gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

 

Khamiis, October, 12, 2017 (HOL) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhaw iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa maanta kulankii golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ka hor sheegay in uu xilka iska casilay, waxaana uu ka codsaday gollaha wasiirada in ay ka aqbalaan is casilaadiisa.

Shirka golaha wasiirada oo goor dhow soo dhamaaday ayaa laga sheegay in wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Is casilaada wasiirka ayaa timid wax yar uu kaddib markii uu ku dhawaaqay is casilaadiisa taliyaha ciidamada xoogga dalka Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xusseen Gorod.

Lama oga ilaa iyo hadda sababtay uu isku casilay wasiirka gaashaandhigga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]