4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 13, 2017
Dibadbax looga soo horjeedo shirkii Kismaayo oo ka dhacay Garbahaarey gobolka Gedo

 

Jimco, October, 13, 2017 (HOL) – Dibadba looga soo horjeedo shirkii dhawaan madaxda dowlad gobolleedyada Soomaaliya Kismaayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Goobaha ganacsiga magaalada ayaa la xiray waxaana ay dibadbaxayaashu muujiyeen dareenkooda ku aadan shirkii Kismaayo, iyaga oo sheegay in aysan marnaba taaageersaneyn go’aamadii ka soo baxay shirka.

Qaar ka mid dibadbaxayaasha oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay shirka Kismaayo u arkayaan mid ka dhan ah nidaamka dowladnimada islamarkaana la doonayo in dalka qalalaase lagu galiyo waa sida ay sheegeen dadka isku soo baxay.

Shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Kismaayo ayeey madaxda maamul gobolleedyadu waxaa ay dhaliil ugu jeediyeen dowlada federaalka, iyaga oo halkaa ku sameystay gole  ay ku mideysanyihiin maamul goboleedyada.

Dibadbaxan ka dhacay magaalada Garbahaarey ayaa noqonaya fal celintii ugu horeysay ee shirkii Kismaayo oo ahaa kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan madaxda dowlad gobolleedyada oo dowladda federaalku wax door ah ku lahey.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]