Faysal Cali Waraabe oo ka digay saldhiga Turkiga uu ka dhisanayo Soomaaliya
Sabti, Octobar,14, 2017 (HOL)- Gudoomiyaha
xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay saldhiga
Militari ee Turkigu ka dhistay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya, waxaanay
sheegay in saldhigaasi khatar ku yahay geeska afrika.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidaas ka sheegay mar uu maanta ka soo degay
madaarka Hargeysa, isagoo ka soo laabtay safar uu ku tagay Kenya iyo itoobiya.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in beesha caalamka u
xaqiijiyey in uu ku qanci doonno natiijadda ay soo saaraan guddida
doorashooyinka qaranka,isla markaana taageeri doonno.
“Waxaan kala
hadalnay in aanu aad iyo aad uga warwarsanahay ciidamada uu u dhisayo Turkiga Soomaaliya,waxaana kala hadalnay in aan
cunaqabataynta Soomaaliya ee hubka laga qaadin, taas oo khatar ku keeni karta
geeska afrika, oo anagana nagu kalifi karta in aanu wax kasta iska dhigno oo
aanu hub iibsanno oo ka hor tagno in uu mar dambe xasuuq nagu dhaco”ayuu yidhi
Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha
Itoobiya oo uu casuumad ka helay.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu Itoobiya kala hadlay sidii
waddada Dekadda Berbera iyo Itoobiya u dhexeysa loo samayn lahaa iyo sidii loo
balaadhandhahaa ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya, waxa kale oo uu tilmaamay in
Tamarta laydhka ee dabiiciga ah ee Itoobiya Isticmaasho sidii loo soo gaadhsiin
lahaa Somaliland.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.