Meydad wali laga soo saarayo dhimayaasha ku bur buray qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe
Axad, October, 15, 2017 (HOL) – Wali waxaa ka soconaya Agagaarka halkii uu
ka dhacay qaraxii shalay ee Isgoyska Zoobe gurmadka loo fidinayo dadkii ay wax
yeeladu ka soo gaartay qaraxa.
Meydadka tiro ka badan 5 ruux ayaa saacadihii hore ee saakay laga soo saaray
gudaha dhismayaasha ku bur buray qaraxa oo wali la rumeysan yahay in ay dad
kale ku hoos jiraan.
Gawaarida cagaf cagafyada ayaa sidoo kale qodaya guryaha ku bur buray
qaraxii shalay, waxaana aad u yar rajada laga qabo in dad nool laga soo saaray
dhismayaasha bur buray.
Isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa buux dhaafiyay dad shacab ah oo
raadinaya nolal iyo gaari dad ay ehel yihiin oo aan wali la ogeyn halka ay ku
danbeeyeen.
Wax yaabaha la yaabka leh ayaa ah in qoysaska qaar dib ugu soo celinayaan
isbitaalada meydad ay markii hore ka qaadeen halkaa iyaga oo u heystay dad ay
baadigoob ku hayeen, laakiin ay dib ka ogaadeen in aysan aheyn.
Illaa iyo hada waxaa adag in la sheego tiro rasmi ah oo khasaaraha ah, sidoo
kale dowladda iyo hey’adaha caafimaadka iyana ma soo bandhigin tirada saxda ah.
Gurmadka ugu badan ee loo baahan yahay ayaa ah dhiig, iyadoo isbitaalada
qaar ay ku deeqeen in dadka ku waxyeeloobay qaraxa si lacag la’aan wax loogu
qabto.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka
Amniga iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku deeqay dhiig loo shubay dadkii ku
dhaawacmay qaraxa.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]