Qaramada Midoobey oo cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe magaalada Muqdisho
Axad, October, 15, 2017 (HOL) – Qaramada Midoobey ayaa cambaareyn kulul u jeedisay Qaraxii
galaaftay nolasha dad badan oo Soomaali ah oo maalintii shalay ka dhacay
Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Micheal Keatig Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya
ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee
Magaalada Muqdisho.
Danjire Micheal Keatig ayaa weerarka ku tilmaamay mid Argagax lahaa oo
siweyn looga xumaado, kaasoo sida uu hadalka u dhigay lagu baabi’iyay dad rayid
ahaa oo aan waxba galabsan.
“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu
beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka
Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.”
ayuu yiri Keating.
Sidoo kale Qaraxan waxaa cambaareeyay dowladdaha Turkiga iyo Mareykanka oo
qoraalo ka soo baxay ku sheegay in ay siweyn uga xun yihiin wixii shalay ka
dhacay caasimada Muqdisho
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]