4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 15, 2017
Madaxweynaha Jubaland: Maxaa la xukumayaa Maalin walba haday boqollaal dhimato

Axad, October, 15, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa tacsiyeeyay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo gaadiid walxaha qarxa laga buuxiyay uu ku qarxay bartamaha suuqa Zoobe oo ah goob ahayd goob aad u mashquul badan.

Madaxweynaha ayaa ugu duceeyay dadkii ku dhintay in Eebbe Janada ka waraabiyo, isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ay waxyeelada kazoo gaartay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ay wado Al-shabaab uusan ahayn mid cid gaar ah ku socdo, balse uu yahay mid guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ku wajahan.

“Dagaalkan ma ahan dagaal shaqsi iyo Koox iyo ciidan iyo dowlad midna ku socda, waa mid  shacabka lagu tartamayo, waa xasuuq shacabka loo geeysanayo, hadaynaan garan,  waxaan la dagaalameyno iyo sidaan ula dagaalameynana, waxaan is leeyahay dhib badan iyo mushkilad badan baan la kulmeeynaa,” ayuu Hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in shacabka ay garab istaagaan ciidanka oo ay ka gacan siiyaan xaqiijinta nabadgelyada iyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa kooxaha geeysnaya falalka liddiga ku ah ammaanka.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu yiri ; “Ciidan iyo Dowlad, iyo xukuumad waxaan kula talin lahaa oo dhammaan siyaasiyiinta Soomaalidana oran lahaa culeyska badan ee siyaasadda in la yareeyo in amniga loo soo jeedsado.”

Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in culeyska la saaro badbaadada shacabka, islamarkaana aan lagu mashquulin siyaasado kale.

“Maxaa la xukumayaa maalin walba haday boqollaal dhimato oo macno darro ay ku dhimato  oo agoontii nagu badato, oo maalin walba dhibaatadii taagnaato, wax la xukumo lama heli doono.” Ayuu yiri.

Madaxweynaha iyo raysul wasaaraha dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ay waxyeelada kazoo gaaray Qarax loo aadeegsaday gaadiid nooca xamuulka qaada ah oo ka dhacay isgoyska Zobe ee magaalada Mudisho. Ayadoo saraakiisha ammaanku sheegeen in ay ku dhinteen 30 qof, iyo dhaawacyo kor u dhaafaya boqol, waxaana la aaminsanyahay in qasaaruhu intaa ka badnaan karo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.