Dowladda Turkiga oo gurmad caafimaad u fidineysa dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe
Isniin, October,
16, 2017 (HOL) –Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay
soo gaarto diyaarad caafimaad oo dowladda Turkiga u soo dirtay in lagu qaado
dadka qaba dhaawacyada culus ee wax looga qaban waayay gudaha dalka ee wax
yeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Sabtidii Isgoyska Zoobe.
Wasiirka
wasaarada warfaafintan xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow
ayaa sheegay in dowladda Turkiga noqotay
dowladdii ugu horeysay ee ka jawaabta gurmadka loo fidinayo dadka shacabka ah
ee wax yeeladu ka soo gaartay qaraxii cuslaa ee caasimada ka dhacay.
Waxaa uu sheegay
in qorshuhu yahay in saakay laga qaado magaalada Muqdisho ilaa 40 qof oo qaba
dhaawacyo culus oo dalka wax looga qaban waayay, sidoo kalana ay jiri doonaan
dulimaadyo kale oo lagu qaadi doono dadka qaba dhaawacyada culus ee wali ku jira
isbitaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa
maanta lagu wadaa in ay magaalada Muqdisho soo gaaraan koox dhaqaatiir Turki ah
oo uu horkacayo wasiirka caafimaadka Turkiga kuwaa oo gacan ka geysan doona
daweynta dadka dhaawacyada ah ee ku jira isbitaallada Muqdisho.
Waxaa jira
dowladda ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo balanqaaday in ay u
fidin doonaan dadka wax yeeladu ka soo gaartay qaraxa gurmad caafimaad.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]