4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Wasiirka caafimaadka Turkiga oo goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) – Waxaa goor dhaw ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho diyaarad siday wasiirka caafimaadka Turkiga Ahmet Demircan iyo koox dhaqaatiir ah oo la soctay.

Wasiirka ayaa waxaa la socda dhaqaatir Turkish ah kuwaas oo gacan ka geysan doona caawin dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa la sheegay in ay hor dhac u yihiin diyaarad qaadi laheyd dadka qaba dhaawacyada culus ee dalka waxba looga qaban waayay.

Dowladda Turkiga ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay ee ka jawaabta baaqdii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga gacan siiyo u gurmashada dadka dhibaatadu ka gaartay Qaraxa.

Arrimahan oo dhan hadba wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]