4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 16, 2017
Mukhtaar Rooboow oo Dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe

 

Isniin, October, 16, 2017 (HOL) - Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo mar soo noqday ku-xigeenka hogaamiyaha Ururka Al-shabaab, laakiin sheegay in uu isaga baxay kooxda, ayaa maanta Dhiig ugu deeqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Mukhtaar Rooboow ayaa ka mid noqonaya mas’uuliyiin iyo dad kale oo labadii cisho ee la soo dhaafayba gurmad u sameynayay dadkii dhaawacyada kala duwan ay ka soo gaareen qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay 14kii bishan.

Mukhtaar Rooboow oo mar ka tirsanaan jiray saraakiisha ugu sareysa Ururka Al-shabaab ayaa horaantii sanadkan dagaal dagaal hubeysan la gallay xoogagga kooxda Al-shabaab, kaddib markii ay ku weerareen fariisin uu ku lahaa dulleedka degmada Xudur.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]