4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 15, 2017
Xukuumadda Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya

 

Arbaco, Febraayo ,15, 2017 (HOL)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay hanti dhawraha Soomaaliya oo dhaliilay heshiihska Somaliland iyo Imaaraadka dhexmaray ee saldhiga militari ku dhisanayaan magaaladda Berbera.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku tilmaamay farogalin qaawan oo xukuumadda Soomaaliya heshiishkii Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta ee saldhiga Militari.

“Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah Nabadda, Wada-jirka, Horumarka, Danaha Dhaqaale iyo kuwa Siyaasadeed ee Qaranka Somaliland. Dawladda iyo Shacabka JSL waxay og yihiin si weyna isha ugu hayaan fadqalalooyinka qorshaysan ee ay Xukuumadda Xamar soo abaabulayso taasoo ay uga dan leedahay in khal-khal lagu geliyo Nabadda, Deganaanshaha, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ka hana-qaaday Somaliland. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad oo aan gabasho lahayn ugu foogan tahay carqaladaynta tallaabo kasta oo uu Qaranka JSL xagga wanaagsan u qaado.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Xuseen Deyr.

Waxaanu intaas ku daray “Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada, Indha-adayga iyo Meel-ka-dhacaba ahaa ee ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya (14.02.2017-ka), taasoo ay si qaawan oo aan xishood lahayn ugu faro gelisay Heshiiska dhex maray Dawladaha Jam. Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ee la xidhiidha Saldhiga Milatari ee laga hirgelinayo Marsada Caalamiga ah ee Berbera.Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya waa mid gef, meel ka dhac, faro-gelin iyo aflagaadaba ku ah Qarannimada iyo jiritaanka Somaliland iyo shacabkeedaba. Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ahaa hadal si toos ah loogu faro-gelinayo nabadda iyo degenaanshaha Somaliland oo salka ku haya hurin colaadeed, iska horkeen shacab iyo aafo la kala dhex-dhigo Ummadda Jam. Somaliland ee ku sifowday samaha iyo nabad ku wada noolaanshaha.”

“Hadalkan ka soo yeedhay xukuumadda Soomaaliya ee ay ku eedaysay in dawlada imaaraatka carabtu ay soomaaliya qas ka wado, waa mid abaal gad ku ah samaha iyo waxtarka ay dawladda imaaraadka carabtu u geysatay dalka soomaaliya.”ayuu yidhi

“Somaliland waxay baaq dheer u diraysaa Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka Dalalka Islaamka iyo dhamaanba Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa inay si cad wax uga qabtaan fara gelinta qaawan ee ay Dawladda Soomaaliya ku hayso arrimaha  Somaliland.”ayuu hadalkiisa raaciyey isagoo beesha caalamka la hadlaya.

Hanti dhawraha Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiishan labadda gole ee Somaliland meel mariyeen, waxaanu sheegay in imaaraadku farogalin ku sameeyey arrimaha Soomaaliya, taas ayey ka dambaysay jawaabtan xukuuumadda Somaliland.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.