Dowladda Burundi oo ciidamo cusub geysay dalka Soomaaliya
Arbaco, Feberaayo, 15, 2017 (HOL) - Dowladda Burundi ayaa
ciidamo cusub geysay Soomaaliya, kuwaas oo badali doona ciidamadii horay uga
howlgalayay gudaha dalka Soomaaliya ee ka socday isla dalkaasi Burundi.
Ciidamadan ayaa gaaray magaalada Muqdisho maalintii shalay, waxayna
badalayaan guutada 34-aad ee Burundi ka joogay Soomaaliya sanadkii la soo
dhaafay.
Guutada cusub oo ah midda 40-naad ee ciidamada difaaca Burundi, oo AMISOM ka
mid ah ayaa howlgallo cusub ka billaabi doono Soomaaliya, sida AMISOM ay
sheegtay.
Taliyaha ciidamada cusub oo shalay markii Muqdisho ay gaareen hadlay ayaa
tilmaamay inay ciidamadan ay gacan ka geysan doonaan xasillinta Soomaaliya.
Gaashaanle Leonidas Nsingirankabo, wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin howl
cusub inay Soomaaliya ka qabtaan.
"Ciidamadeyda waxay diyaar u yihiin shaqada ka horeysa iyo sii waadidda
xasilinta Soomaaliya. Waxaan ku shaqeyndoonnaa xeerarka caalamiga ah iyo anshax
si aan guul uga gaarno dagaalka", ayuu yiri gaashaanle Nsingirankabo.
Ciidamada hadda la badalayo waxey xarumo ku lahaayeen Jowhar, howshoodana
waxay ahayd nabad ilaalin.
Tallaabadan ayaa imaaneyso ayadoo Burundi ay dhawaan ku hanjabtay inay
ciidamadeeda kala bexeyso Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, dowladda Burundi ayaa horay u sheegtain mushaar aysan helin bilihii ugu dambeeyay ciidamadood, kadib markii
dalalkii deeqda bixinayay ay dhaqaalaha yareeyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]