4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
Ergeyga Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya oo ku baaqay in wax laga qabto abaarta Soomaaliya

 

Khamiis, Febraayo 16, 2017 [HOL]-Ergeyga Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ku baaqay in wax laga qabto abaarta Soomaaliya si loo baajiyo macaluul.

Durba nafaqo darro ayaa dad ugu le'deen qeybo ka tirsan Soomaaliya. Hataan ayuu Nicholas Kay ka digay in hadii aan tillaabo dagdag ah la qaadin kumanaan qof macaluuli dili doonto.

Sanadihii 2010-2012 ayaa Soomaaliya abaar ba'an oo tan la mid ah ay soo martay kuna dishay boqolaal kun oo qof.

Abaarta hada jirta ayaa soo bilaabatay sanadkii 2015 bishiisii Agoosto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]