4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 16, 2017
Madaafiic ku dhacday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya



Khamiis, Feberaayo, 16, 2017 (HOL) – Iyadoo saacado ka hor uu la wareegay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa ku dhacay nawaaxiga Villa Soomaaliya tiro madaafiic ah oo loo adeegsaday qoriga hoobiyaha.

Dhawaqa madaafiicdan ayaa laga maqlayay xaafado ku dhow madaxtooyada, waxaana dadka ku nool degmada Wardhiigley ay soo sheegayaan inay maqleen illaa afar madfac oo soo dhacay.

Wariyaha Hiiraan Online Mustaf Xusseen Cabdulle oo ku sugan meel aan ka fogeyn madaxtooyada ayaa sheegay in mid ka mid ah madaafiicdan ay ku dhinteen labo caruur ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen  tiro kale oo dad rayid ah.

Ugu danbeyntii,madaafiicdan ayaa ku soo beegantay xili maanta uun uu xafiiska la wareegay madaxweyne Farmaajo oo howlaha ugu horeeya ee laga sugayo ka mid tahay sugida amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]