Madaxweynaha oo safiirada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya kulan la qaatay
Sabti, Feberaayo, 18, 2017 (HOL) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo
maalin uun ka hor xafiiska la wareegay ayaa kulan la qaatay safiirada wadamada
qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM oo ay ka wada hadleen arimo ay ka
mid ahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dib u dhiska ciidamada
qalabka sida ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xafiiskiisa isugu yeeray danjirayaasha dowladda qeybta ka
ah howlgalka midowga Africa, isaga oo u
sheegay sida ay muhiim u tahay xiligan dardar galinta howlgalka ka dhanka ah
Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay
ciidamada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxaa uu xusay in lagama
maarmaan ay tahay in ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya loo diyaariyo
dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la
xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan
dhismaha ciidamada Soomaaliyeed ee marka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona
amniga guud ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka qeybo badan oo ka tirsan ay ka
jiraan abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in si nabad ah dadka loo
gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda,
ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira.
Ugu danbeyntii, kulanka ayaa qeyb ka ahaa oo ku wehlinayay xubno ka tirsan dowladda iyo shaqaalaha
xafiiska madaxweynaha iyo qaar ka mid ah safiirada Soomaaliya ee dalalka
caalamka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]