Madaxweyne Siilaanyo oo wareegto ka soo saaray maalinta xuska dhalinyaradda Somaliland ay noqonayso
Sabti, Febraayo ,18, 2017 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta digreeto ku soo saaray in Bisha February
20-keedda loo aqoonsado maalintiii dhalinyaradda Somaliland.
Wareegtadan uu madaxweynuhu ka
soo saaray in bisha February 20-keedda sanad walba ay dhalinyaraddu si weyn u
xusto, isla markaana astaan u tahay maalintii dhalinyarada.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa digreeto madaxweyne oo
summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta
20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato
maalinta Dhallinyarada Qaranka Somaliland.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed
madaxtooyada ka soo baxay.
Waxaanu intaas ku daray “In
maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay
ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.In Wasaaradda
Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada
oo kaashanaysa Hay'addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.”
Maalinta February 20-keedda ayaa
horaba loo xusi jirin,isla markaana Daladda ay ku bahoobeen dhalinyaradda u
calaamadaysteen inay maalintaasi tahay maalinta dhalinyarada Somaliland, taas
oo sanad walba laga xusi jiray.
Maalintan February 20-keedda ayaa
ahayd maalintii dhagax tuurkii ugu horeeyey ee ay iskaga hor yimaadaan
dhalinyaradda reer Hargeysa iyo dawladdii Maxamed Siyaad Bare, waxaana
maalintaasi geeriyooday wiilkii ugu horeeyey oo ku dhinta dhagax tuurkaasi,
waxaanay taariikhdu ahayd February 20,1982-kii, waxaana wakhtigaasi dhalinyaradaasi
u mudaharaadeeyeen dhalinyaro aqoonyahano ah oo dawladdii wakhtigaasi xidhay,
sidaas darteed maalintaasi ayaa loo aqoonsaday maalinta dhalinyaradda
Somaliland.
Dhinaca kale, madaxweyne
siilaanyo ayaa safar laba toddobaad qaadanay u anbaxay wadanka Ingiriiska,
waxaana safarkaasi ku wehelinayey marwadiisa iyo xoghayihiisa gaar ah, waxaana
noqonaysa safar u gaar ah.
Barkhad-ladiif M.
Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.