Diyaarad laga leeyahay Kuwait oo siday Raashin loogu tallogalay dadka abaaraha ku dhufteen oo timdi garoonka Berbera
Axad, Febraayo ,19 , 2017 (HOL) – Diyaarad
Militari oo laga leeyahay wadanka Kuweyd, ayaa madaarka magaaladda Berbera
keentay caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.
Diyaaradan Militari ayaa siday
150 qoys raashinkooddii, waxana markiiba loo daad gureeyey goboladdii abaaruhu
ka dhaceen.
Raashinkan oo iskugu jiray qaybo
kala duwan, waxaana qaybtii ugu horeysay ee caawimadda, iyagoo sheegay inay
Deeqo kale oo raashin ah soo socdaan sida warbaahinta u sheegeen maamulka
gobolka Saaxil.
Diyaaradan ayaa ah kuwo militariga ee ciidamada cirka wadanka
Kuweyd, waxaanay qaybtii ugu horeysay ee ay kaga qaybqaadanayso caawinta dadka
abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.
Munaasibaddii raashinka lagu kala
wareegayey ayaa ka dhacday madaarka caalamiga ahee Berbera, waxaana halkaasi ka
hadlay masuuliyiinta gobolka Saaxil, wasiirka Biyaha, gudoomiyaha xisbiga UCID
iyo masuuliyiin carabah oo la socday diyaaradda.
“waxaan leeyahay waan ka gudoonay sheikh
Sabaax Kuwayd oo deeqdan soo gaadhsiiyey Somaliland, waxaana leeyahay dalalka
kalana ha ku daydaan oo dadka abaaruhu ku dhaceen ha la soo gaadhaan
caawimooyin”ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Saaxil.
Wasiirka Biyaha iyo khayraadka
Somaliland Xuseen Cabdi Boos oo isna mucaawimadan ka hadlaya waxa uu yidhi “
dawladda Kuwayd ee iska sooo xil qaantay Raashinkan la soo gaadhsiinayey dadkii
abaaruhu ku soo dhufteen waan u mahad celinayaa, amiirka Sheekh Saalax ee
caawimadda qaybtii kowaad soo gaadhsiiyey iyo kuwo soo socda ee uu soo wadaba
waan uga mahad celinaynaa, wadankana waxa ka jira abaar baahsan oo boqolkiiba
sagaashan ay dhinteenba”.
Sidoo kale, gudoomiyaha xisbiga
UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna u mahadnaqay dawladda Kuwayd oo uu sheegay
inay uga mahad naqayaan gargaarka degdeg ah ee ay soo gaadhsiiyeen dadka
abaaruhu ku dhufteen.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay
masuuliyiin kale iyo masuuliyiin ka socday Kuwayd, waxaanay sheegeen in
Diyaaradan Militari ee caawimadan siday caawimooyin kale soo wadaan.
Raashin ayaa noqonaysa tii ugu
horeysay ee intii abaaruhu dhaceen wadanka Kuwayd soo gaadhsiiso.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland