4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 20, 2017
Askar ka tirsanaa ciidamada Jubalan oo ku dhimatay qarax miino

Isniin, Febraayo 20, 2017 [HOL]-2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubaland ayaa dhintay dhowr kalena waa dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino ku qaraxday deegaan galbeedka ka xiga tobanaan km magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland.

Miinada ayaa jidka mid lagu aasay ahayd. Askarta dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Kismaayo ee guud.

Dhawaan ayaa waxaa soo badanayay qaraxyada ka dhanka ah ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada iyo weliba AMISOM.

Weerarkaan ayaa yimid ayadoo shalay qarax lagu dilay dhowr iyo soddon qof suuqa Kaawo Godeey ee Muqdisho.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay bartamaha suuqaa dadka dhintay maahee waxaa suuqaa sidoo kalena ku dhaawacmay ilaa 40 qof oo kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]