Maalinta Dhalinyaradda Somaliland oo maanta laga xusay goboladda Somaliland
Isniin,Febraayo ,20 , 2017 (HOL) – Waxa magaaladda Hargeysa
iyo goboladda Somaliland si weyn loogu xusay maalinta Dhalinyaradda
Somaliland oo sanadka kasta bisha February
20-keedda la dabaaldego.
Xuska maalinta dhalinyaradda waxa ka soo qaybgalay
dhalinyaradda Somaliland, gaar ahaan ardayda dugsiyadda sare, ururkii UFFO ee
ay ka dhalatay maalintan, daladda dhalinyaradda ee SONYO iyo wasaaradda
dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Dhalinyarada oo ay hor socdeen ciidamadda Maanboyda ee
miisikadda tuma waxay lug ku tageen
taaladda maalintan lagu xuso oo ku taalla maxkamadda gobolka Hargeysa hortoodda
oo ah meeshii uu wiil kii ugu horeeyey ee maalintii dhagax-tuurka ku
geeriyooday oo laga sameeyey taallo ka turjumaysa maalintaasi oo hadda laga
dhigay maalin qaran oo dhalinyaradda Somaliland leedahay.
Waxaanay dadkani socod ku soo mareen iyaga oo ka soo dhaqaaqay
barxada hore ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha wadada halbowlaha u ah isu
socodka gaadiidka ee hor marta
madaxtooyada, iyaga oo sitay boodhadh iyo calamaan ,sidoo kalena madaxa ku
duubtay calanka Somaliland.
Madashii taaladda dhalinyaradda waxa khudbado ka jeediyey
gudoomiyaha dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, Cabdicasiis Siciid Saalax,
wasiirka Dhalinyaradda iyo ciyaaraha iyo masuuliyiin kale oo ka sheekeeyey
taariikhta maalintan ooah maalintii ay gadoodeen dhalinyaradda reer Hargeysa oo
ay bilaabeen dhagax tuurka, iyagoo iska hor imaad weyni wakhtigaasi ku
dhexmaray ciidamaddii xukuumaddii wakhtigaasi ee Siyaad Bare iyo ardayda
dugsiyada, waxaanay ardaydani diidanayeen aqoonyano iyo macalimiin lagu xidhay
magaaladda Hargeysa.
February,20,1982 kii ayaa ahayd maalintii ugu horeysay ee si toos ah iskaga hor yimaadaan ardaydii
dugsiyada sare iyo ciidamaddii dawladdii Maxamed Siyaad Bare oo loo bixiyey
maalinta dhagax tuurka waxaana maalintan loo asteeyey maalinta dhalinyaradda
Somaliland.
Dhalinyaradda wakhtigasi dhagax tuurayey ayaa waxay ka
xanaaqeeb dhalinyaro aqoonyahano ahaa oo
la odhan jiray UFFO oo ka shaqaynayey dhinacyada horumarka oo xukuumaddii
waagaasi xabsi dheer ku xukuntay, taasina ay dhalisay gadood dhalinyaro oo loo
bixiyay maalinta Dhagax tuurka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland