4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2017
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ka qeybqaatay olalaha nadaafada caasimada


Khamiis, May, 25, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ku-xigeenkiisa oo wehliyaan xubno ka tirsan gollaha wasiirada ayaa maanta daah furay olalaha nadaafada caasimada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed, wasiiro iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay ololaha nadaafada oo sidoo kale ay ka qyebgalleen dad shacab ah.

Ololaha nadaafada ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana ra’iisul wasaaaraha iyo wasiiradiisa ay ololaha nadaafada ka sameeyeen agagaarka madaxtooyada.

Ra’iisul wasaaraha oo xirnaa dareyska ciidamada militariga ayaa la arkayay, isagoo wata qalabkii nadaafada loogu tala galay.

Hasse ahaatee dad badan ayaa arrintan ku tilmaamay mid aanay habooneyn in ra’iisul wasaaraha olole nadaafadeed ku galo dareyska milateriga, maadaama marka nadaafad la sameynayo ay leedahay dhar gooni ah.

Munaasabadda maalinta nadaafadda adduunka oo ku beegan 25-ka May ayaa laga xusaa caalamka, iyadoo maalintaas la soo saaro halku dhigyo wacyi-gelin oo ku saabsan nadaafada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]