Soomaaliland oo sheegtay in Imaaraadka weeraro u adeegsan karaan saldhiga Berbera
Sabti, May, 27, 2017 (HOL) – Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawaan la wareegtay dekedda Berbera oo ay isticmaalayan saldhig militari, iyaga oo isku diyaarinaya weeraradii ugu horeeyay oo ay halkaa ka qaadaan.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Imaaraadka
Carabta u furan tahay in ay weeraro ka qaadaan saldhiga ay ka hergalinayaan
magaalada Berbera oo ay dhawaan si rasmi ah ula wareegeen.
“Waa saldhig militari, wayna u
furantahay in ay weerarro qaadaan Imaaraadka'' ayuu yiri Dr
Sacad Cali oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da.
Saldhigga ayaa wali ku socda dhisme, hase ahaatee maraakiibta
dagaalka ee Imaaraadka Carabta ayaa mar dhoweyd ku soo dhowaaday biyaha
Berbera, gaar ahaan meel u dhow Dekeda oo dhowaan lagu wareejiyay
Shirkadda DP World.
Arrintan ku saabsan weerarada militari ee Imaaraadka uu ka qaadayo saldhiga
Berbera ayaa sii xoojin kara walwalka wadamada gobolka ay ka muujinayaan
cawaaqibka nabad-galyo ee ka iman kara tallaabo kasta oo ay qaadaan ciidamada halkaa ku sugan.
Laakiin,Mr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in saldhiga
milateri ee Imaaraadka ka isticmaalayo Berbera uu khilaaf ka abuuri karo
gobolka, waxaa uu tilmaamay in horay Imaaraadku saldhig milateri ugu
lahaayeen Dekeda Casab ee dalka Eritrea, taasna aanay wax khilaaf ah ku
keenin Gobolka, isagoo intaa ku daray in saldhiga cusub ee Berbera aanu
wax caqabad iyo khilaaf abuuri doonin.
Dadka sida weyn ugu dhuundaloola arintan ayaa qaba in muhiimada ugu weyn ee
Imaaraadku u leeyahay saldhiga Berbera lagu tilmaami karo dagaalka ka dhanka ah
Yemen oo xulufo uu Imaaraadku ka mid yahay weeraro ka geysanayaan.
Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya
inteeda kale, ayna tahay dal madax banaan, hase ahaatee wali ma aysan
helin wax aqoonsi caalami ah, iyadoo maalmo ka hor ay ku beegneyd
sanad-guuradii 26aad ee ka soo wareegatay, markii gooni isu taagga ku
dhawaaqday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]