4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 28, 2017
Laba dayaaradoo oo Turkish Airlines oo saakay ka soo wada degey Garoonka Adan Cadde

Axad, May 28, 2017 (HOL) - Laba dayaaradood ee sharikadda Turkish Airlines ayaa saakay ka soo wada deggey garoonka Adan Cadde ee magaalada Moqdishu ka dib markii ay in muddo ah ku xayirnaayeen garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombaassa ee dalk Kenya.

Madaxa qaybto operationka ee hay'adda duulista hawada Axmed Macalim oo waramayey HOL ayaa sheegay in sababaha ay dayaaradaha Turkish Airline ay u soo dagiwaayeen ay ahaayeen sababo la xiriira xawli hawada oo badnaa (Wind Speed) taas oo keentay in dayaaradaha Turkish Airlines ay gudbaan garoonka dayaaradaha ee magaalada Mombaassa.

Garoonka Aadan Cadde ayeey dayaaradaha waaweyn kala kulmaan dhibaato la xiriirta xawliga hawada (Wind Speed) gaar ahaan marka ay hawada ka soo dhacayso koofur. Badnaaba dayuuradaha ayaa iska ilaaliya in ay ka soo dagaan dhaqanka Afisyooni nabad-galyo xumo awgeed.