Markab sida gargaar loogu talgalay dadka ay abaaruhu ku dhufteen oo ku xirtay dekedda Berbera
Axad, May, 28, 2017 (HOL) - Markab sida gargaar oo gaarayso 1.700 tan ayaa
waxaa uu gaaray dekedda magaalada Berbara sida ay shaaciyeen mas’uuliyin ka
tirsan Soomaaliland.
Waxaa gargaarkaan bixisay hay’ada Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation
waxaana loogu tala galay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku sugan
degaanada maamulka Soomaaliland.
Markabkaan ayaa ka soo shiraacday dekadda Hamriyah waxaana lagu wadaa in ay
qeybiyaan guddi ka socda dowladdda Imaaraadka Carabta.
Markabkaan waxaa uu sidaa nuucyada kala duwan ee cuntooyinka, waxaana dowladda
Imaaraadka Carabta ay sheegtay in ay garabta taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed
meelwalba oo ay jooggaan.
Dowladda Imaaraadka carabta ayaa saldhig ciidamada ka dhisanaysa magaalada
Berbera waxaana ay xiriir gaar ah lala leedahay maamulka iskiis isku aqoonsaday
ee Soomaaliland.
Imaaraadka ayaa dhawaan la wareegay dekedda magaalada Berbera halkaa oo ay
ka sameysanayaan saldhig militari, waxaana muuqata in taa badalkeeda Imaaraadku qeyb weyn ka qaadanayo gargaarka
loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaannada
Soomaaliland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]