4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.

Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.

Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xireen subaxnimadii Axadda.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in aysan wali sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.

Godbolt soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye ku-xigeen booliis ah ayaa maydkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.

Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay maydka labo dumar ah oo da'yar, sida ay booliisku sheegeen.

Goobta saddexaad ee ay toogashada ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay.

Source : BBC 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]