4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo gaaray magaalada Cadaado

 


Isniin, May, 29, 2017 (HOL) - Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado, iyagoo ka qeybgalaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Wafuud kala duwan oo ka kala socota maamulada dalka ayaa ku qul qulaya Cadaado, iyadoo wafuudan ka qeyb galayaan xaflada caleema saarka Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Galmudug.

Safarka madaxweyne Gaas ee Cadaado ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku degmada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid sare u qaadi doonta nabad ku wada noolaanshaha labada maamul.

Sidoo kale waxaa goor dhow gaaray Cadaado Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu isna goor dhow gaaaro Cadaado, si uu ugu qeyb galo munaasabada caleema saarka.

Ammaanka Cadaado ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa sugida amniga ka qeyb qaadanaya ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo ciidamada AMISOM ee ka kala socota Jabuuti iyo Burundi ee ku sugan Cadaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]