4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 29, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo goor dhaw gaaray magaalada Cadaado

 

Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray xarunta magaalada Cadaado, halkaa oo ay ka socto munaasabada calleemo saarka madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Sidoo kale, waxaa munaasabada ka qeybgallaya oo jooga wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo dib-u-hishiisiinta dowladda Soomaaliya  Cabdi Faarax Juxa, madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle, Koonfur galbeed , guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, wakiilo ka kala socda beesha caalamka iyo martisharaf kale.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabad ayaa soo dhaweeyay doorashadii dhawaan xildhibaannada Galmudug ay doorteen madaxweyne Xaaf, waxaana uu ku dheeraaday guud ahaanba nabada deegaannada gobollada dhexe iyo dib -u-hishiisiin laga gaaro colaada Mudug iyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.

Madaxweynaha ayaa gaar ahaan kula dardaarmay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug in laga wada shaqeeyo nabada iyo xasiloonida guud ahaanba gobolka, madaama munaasabada uu joogay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]