4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2017
Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay qof dil ka geystay gudaha suuqa Bakaaraha


Isniin, May, 29, 2017 (HOL) – Goob joogayaal ku sugan Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada dowladda federaalka toogasho ku dileen nin ku hubeysnaa bastoolad oo gudaha suuqa ku dhax toogtay qof shacab ah.

Mana jiro ilaa hada wax war ah kasoo baxay laamaha amanaka oo ku aadan labadan dil ee ka dhacay Suuqa Bakaaraha, hasse ahaatee afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada dowladda toogteen qof hubeysan oo dil ka geystay suuqa.

Arrinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda uu ka dhaqan galay howlgallo ay ku midaysan yihiin laamaha amniga oo lagu sugayo xasilloonida Caasimadda,

Suuqa Bakaaraha ayaa marar badan oo hore waxaa sidan oo kale ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay dad shacab ah iyo kooxo dil ka geystay gudaha suuqa oo ay dowladda ku eedeyso Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]