Talaado, May, 30, 2017 (HOL) --Wasiirka wasaarrada arimaha gudaha iyo dib-u-hishiisiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in Muqdisho dhawaan ay ka furayaan Shir weyne dib u heshiisiin ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in wasaaradiisa ay ka shaqeyn doonto hormarinta iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in dib u heshiisiin laga dhex sameeyo Bulshada Soomaaliyeed isla markaana ay ka shaqeynayaan midnimada dadka.
Wasiir Juxa ayaa sheegay in ujeedka shirkaasi uu yahay in dib- u -heshiisiin dhab ah laga dhex sameeyo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah maadaama dalka muddo uu colaad ku jiray.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay xooga saareyso dib u heshiisiin dhab ah si dadka Soomaaliyeed is dhex galkooda uu u sahlanaado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]