4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2017
Mid ka mid ah musharixiinta madaxtinimada Kenya oo ku eedeysan in uu damacsanaa in uu is dilo

 

Talaado, May, 30, 2017 (HOL) -- Peter Gichira oo ka mid ah musharaxiinta doonaysay in ay ka qeybgasho doorashada Madaxweyne ee dalka Kenya ayaa la soo taagay maanta maxkamad iyadoo lagu soo eedeeyay in uu doonayay inuu is dilo kadib markii uu ku guuldareystey in uu soo buuxiyo shuruudaha uu ugaga mid noqon lahaa musharaxiinta sida rasmiga ah ugu tartamaysa doorashada Madaxweynaha dalka Kenya.

Peter Gichira ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ahaa inuu isku dayay inuu iska soo tuuro dabaqa lixdaad ee dhismaha guddiga doorashada dalka Kenya,waxana lagu soo daayay damiin.

Booliska dalka Kenya ayaa soo qabtay Peter Sabtidii aynu ka soo gudubnay isagoo doonayay inuu iska soo tuuro dabaq dheer kadib markii uu kamid noqday siddeed musharax oo ku guuldareystey inay soo buuxiyaan shuruudaha tartanka doorashada Madaxweyne ee 8 August 2017 ka dhacaysa dalka Kenya.

Mr Gichira oo ah siyaasi aan waxbadan laga aqoon ayaa soo buuxin waayay mid ka mid ah shuruudaha laga doonayay inuu soo buuxiyo musharaxa Madaxweynaha oo ah inuu keeno saxiixyada 2,000 oo ruux kuwaasoo aan xisbina ka tirsanayn 24 kamid ah 47da gobol ee dalka Kenya.

Doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ayaa la filayaa in ay si weyn ugu tartamaan Madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta kaasoo markii labaad raadinaya in la doorto iyo hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga oo markiisii afaraad u tartamaya madaxtinimada dalka Kenya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]