4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2017
Dowladda Canada oo ka qeybqaadaneysa gurmadka abaaraha qaarada Africa

 

Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Dowladda Canadda ayaa ku dhawaaqday in kaalmo deg deg ah ay la gaari doonto Abaaraha ka jira dalalka Soomaaliya, Nigeria iyo Suudaanta Koonfureed.

Wasiirka wasaaradda hormarinta caalamiga ah ee dalka Canada ayaa sheegay in dhawaan ay deeq gaarsiin doonaan dadkaasi dhibaateysan.

Wasiirka ayaa sheegay in kaalmadaan la soo marsiin doonto hay’addaha Gargaarka si ay deg deg ugu gaarsiiyaan dadka dhibaateysan.

Inka badan 20 million oo qof ayay dowladda Canadda sheegtay in ay saameeyeen Abaaraha ka jira qaar ka mid ah dalalka Qaaradda Africa.

Qeybo badan oo ka mid ah dalalka aduunka ayaa waxaa ku dhufatay sanadkaan abaar saameysan dadka iyo duunyadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]