4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2017
Xiisad ka dhalatay hub ka dhigista dowladda ay amartay oo ka taagan qeybo ka mid ah Muqdisho


Talaado, May, 30, 2017 (HOL) - Warar naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in iska horimaad kooban uu halkaa ku dhaxmaray ciidammada xasilinta caasimada iyo rag hubeysan oo ku labisnaa dareyska ciidamada dowladda kuwaa oo ka biyo diiday hub ka dhigis la doonayay in lagu sameeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday qorshe lagu xasilinayo amniga caasimada, waxaana arintaa loo asteeyay in ay ka howlgalaa ciidamo gaar ah kuwaa oo amar buuxa lagu siiyay in ay hubka dhigaan cid kasta oo aan ka tirsaneyn ciidamada gaarka ah sugida amniga caasimada oo hub sidata.

Dad ku sugan degmada Wadajir ayaa warbaahinta u sheegay in gadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada xasilinta caasimada ku amreen in ay hubka dhigaan rag hubeysan oo mararayay agagaarka Suuqa Weyn ee degmada kuwaa oo la sheegay in ay rasaas ku jawaabeen taasoo qal qal iyo baqdin ku abuurtay dadka rayidka ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in markii danbe ciidamada gacanta ku dhigeen mid ka mid ah hubkii uu sitay ragga dagaallamay, halka mid kalana la sheegay in uu baxsaday.

Shir gollaha wasiirada ay ku yeesheen dhawaan magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in aan la ogoleyn in hub lagu dhax sito caasimada marka laga soo tago ciidamada gaarka ah ee loogu talagalay in ay amniga sugaan, halkaa mas’uuliyiinta dowladdana la faray in aysan isticmaali karin wax ka badan afar askari oo ilaalo ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]