4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 30, 2017
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis cusub gaaray

 

Talaado, May, 30, 2017 (HOL)  - Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa heshiis cusub oo la xiriira colaada Gaalkacyo ku gaaray magaalada Cadaado.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xal u helida colaada Gaalkacyo ee dhowr mar soo noq noqotay.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xaaf ayaa si wada jir ah u sheegay inay sameynayaan ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeynaya nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxay isla garteen inay labadooda maamul ay ka shaqeynayaan deris wanaaga iyo sidii reer Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goob joog ka ahaa heshiiska labada dhinac wada gaareen, waxaana ay si wada jir ah ay socod ku soo mareen bartamaha Cadaado.

 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa xalay ku hoyday Cadaado, kaddib markii ay ka qeyb galeen munaasabadii caleema saarka Madaxweyne Xaaf.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]