Kenya oo sheegtay in ay dishay xoogagga ka tirsan Al-shabaab
Talaado, October, 10, 2017 (HOL) – Saraakiisha ciidamada
Kenya ayaa sheegay in howl gal ay ka
sameeyeen keymaha Boni ee gudaha Kenya ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan
Al-Shabaab.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo
lagu magacaabo David Obonyo ayaa sheegay in howl galka ay ciidamadooda ku soo
furteen saanad militari.
Waxaa uu intaa ku daray in shan ka
tirsan xoogagga Ururka Al-shabaab ay ku dileen keymaha Boni iyo Bodhey, wali
ciidankoodana ay howl gallo ka wadaan keymahaas.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in
howl galkaas ku soo qabteen illaa lix qoriga AK47, bam gacmeed iyo rasaas.
Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay
inay duqeyn doonto keymaha Boni, halkaasoo la rumeysan yahay in Al-Shabaab ka
soo qaadaan weerarada ka dhaca gobolka Xeebta,
Al-shabaab ayaa bilihii ugu danbeeyay weeraro dad badan ku dhinteen waxaa ay ka geysanayeen deegaanno ku yaala gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyaga oo sidoo kalana dab qabasiiyay islamarkaana bur buriyay saldhigyo ciidan iyo xarumo kale oo gaar loo leeyahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]