4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 18, 2018
Madaxweyne Trump oo ka laabtay hadal uu ka hor yiri madaxweynaha Ruush-ka

 

Arbaco, July, 18, 2018 (HOL) – Madaxweyne dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu garawaaqsaday isla markaana ogolaaday baaritaankii Laamaha Sirdoonka Maraykanku ku sheegeen in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka ee 2016-kii, taas oo ah mid burinaysa hadalladii uu ka yiri shirmadaxeedkii uu la yeeshay Vladimir Putin Isniintii.

Madaxweynahaa cambaareyn kala kulmay aqalka Congress-ka oo ku dhaliilay hadalkiisii ahaa in aanay u muuqan sabab caddayn karta in Moscow doorashooyinkaa farogelin karaysay.

Balse dhinaca kale marka la eego hadalkiisanu dambeeyey ayaa waxaa uu ku sheegay in uu doonayey in uu ku cadeeyo in hadalkaa uu hore u yiri uu ula jeeday in aanay jirin sabab lagu malaysan karo in Ruushku faro gelin karayey doorashada.

Madaxweyne Trump ayaa balanqaaday in uu ilaalin doono doorashooyinka dame ee dalka ka dhici doona, hase yeeshee waxa uu ku nuuxnuuxsaday in xidhiidh diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhex mara dalkiisa iyo Ruushku ka fiicanyahay khilaaf iyo colaad ka dhex abuuranta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]